Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

hal xiraale






home page

contact us

hal xiraale

ku soo dhawaaw

sawira

SAWIRADA ASXAABTEYDA

BUUGA MURTIDA

Xamar daawa dacalada

saxibahey

  


hal xiraale


maxaa cusub walaalayaal

waxaan talo way diis tay walaalahayga muslimiinta ah. walaalayaal maxay diinta islaamka ka qabtaa in qof ka la gu qasbo wax uu san rabin iyadoo loogu diidayo wuxuu rabay qabyaalad awgeed.
waxaan ahay inan jirta 19,sano waxaa dhacay in uu ii sheegtay wiil aan daris ahayn in uu jeclyahay in uu ila sheekaysto waana inan wadaad ah oo macalin qur'aan ah mana ah qof xumaan iyo qalwo raadis ah wuxuu soo jeediyey haduu rabo wuxuu i waydiinaayo in uu aabahay ama inamada walaalahay ah ay na weheliyaan isagoo ilaalinaya diinta hadana taas aabahay way u cuntami wayday sabatoo ah qabiilka uu ka yimid.ana garan maayo waxaan sameeyo waayo ma ahi qof qibrad u leh in aan rag la sheekaysto hadaan aabahay way diiyeyna wuxuu la soo taagan yahay mar horaan ku baxshey. ina adeer kaa baan ku siiyey dee ana ma rabo wuxuu sheegayo maxay i gula talin lahaydeen daacna iigu soo jawaaba. salaama calaykum.

waayahaya jawaabta emailkaan iigu soo dir

mean_2003@hotmail.com ama inasharib@yahoo.com

walaahey islaamka ahow waxaan idin weydiinayaa diinta islaamka ay ka qabtaa in la igu qasba nin aan rabin

Arrintu waa mid yare ku culus qofka wax jecel iyo waliba da'aada oo kale, waayo wey yartahay.

Horta ma la ogola qasabka mana fiicna in la qasbo qof oo lagu qasbo qof uusan rabin. Laakiin aan ku xasuusiyo in Alle naga ogyahay meeshii khayr noogu jiro. Mida kale, waa muhiim in waaridku ku faraxsan yahay meeshii guurkaagu galo, haddii kale waxaad ku galeysaa guurkaaga qalbi walwal iyo caro ka buuxdo taas oo sabab u noqon karta in lagugu naco oo aad ku kala tagtaan adiga iyo wiilkii aad u nacdey ciddaadii, tana waxey sii baabi'ineysaa qalbigaagii mar kale.

Midda kale, guurkii maantey la la'yahay, oo qofkii wax lagu qasbayo baaba la leeyahay, "Asageyba u dhacatey!"

Haddaba arrinta ha ku degdegin ee tartiib u maaree, Aabbe, labada wiil iyo Ehelka kalaba la sheekeyso, oo arrinta u sheeg talana weydii mid kasta oo ka mid ah, intaasna baaris sii samee.
Haddii aad xal u weydiid, oo Aabbe kugu raaci waayo, adna aad ku raaci weydid, arrinta dib u sii dhig, laakiin marna ha ku gacan seyrin Aabbahaa xataa hadduusan diinta waxba ka aqoon.

Guur waa kii aad ka raali tahay, dadkoo dhammi kaaga raali yihiin, laguna doorto ama lagu meel mariyo wadada toosan ee Eebbe ka raali yahay. Waalaashii marka hore salaamu caleykum?! Horta arrintaada waa arrin la xalin karo mana aha wax cusub macnaha adiga uguma horeysid, laakiin waxaa jirta wax la dhaho is fahmid la'aan adiga waalidkaa. sababtoo ah sidaan ka dareeymeyno waxaa tahay gabar wanaagsan oo diinteeda ku tiirsan, waana waajib in aad guursataa qof ku jecel misana diin leh ayadoo qabiil loo eegeynin waayo maadaama aan nahay dad muslim ah. Marka inagu waxaan kuu soo jeedineynaa Inaadan Waalidkaa ka soo horjeesan misana jeceelkaaga aadan ilaa win macanha ka dhaadhacsii si degnaan ah lana fiirso waqti munaasab Siiba Maamada iyo Gabdhaha waa saaxiib oo ayada dhinceeda ayaa ka soo geli kartaa waa haddi ay kula joogto.